- Get link
- X
- Other Apps
QISO YAR OO CAJIIB AH.
(Marwadii Caqliga badneyd).
Nin qoraa ahaa ayaa isaga oo fadhiya Qolka uu had iyo jeer wax ku qorto Gurigiisa Warqad iyo Qalin soo qaatay wuxuu qoray.
Sannadkii aynu ka soo gudubnay waxaan sameeyey Qalliin weyn oo aan Bilo badan Dhakhtarka ugu jiray, oo aan Sariirta saarnaa, waxaana sannadkii hore aan gaaray 60 sanno anigoo Xanuun sanaaya, Aabahay wuxuu Geeriyooday sannadkii aan ka soo gudubnay, Wiil aan dhalay wuxuu ku dhacay Imtixaankii uu ku Qalin jabin lahaa, isla markaana ku qaadan lahaa Shadaada kuliyadda Caafimaadka , ka dib markii uu Waxbarashadii ka haray Shil Baabuur oo la soo Gudboonaaday awgii.
Wuxuu Warqadiisa uu qoray ku soo Gabagabeeyey sannad adag oo aan dhib badan la kulmay ayuu ahaa sannadkii hore ee aynu ka soo gudubnay.
Warqaddii wuxuu kaga tagay Miiskii uu ku qoraayey, Xaaskiisii ayaa soo gashay Qolkii waxeyna aragtay Warqadda oo Miiska saaran, waxayna Akhrisay warqaddii uu qoray Ninkeedu. Ka dib waxey soo qaadatay Warqad kale, intey hadal ku qortay ayey Warqadiisii hore ag dhigtay.
Ninkii ahaa ayaa soo noqday wuxuu Akhriyey warqaddii ay Xaaskiisu qortay, waxeyna Warqadu u qorneyd sidan:-
Sannadkii aynu ka soo Gudubnay waxaad ka Bogsootay Qalliin weyn oo lagugu sameeyey, oo aad muddo dheer Sariirta u saarnayd, waxaadna gaartay 60 jir adiga oo Caafimaad qaba, waxaad Heshiis la gashay Shirkad weyn oo Buugaagta qorta si aad ugu Madax banaanaatid in aad Buugaag qortid.
Aabahaa wuxuu noolaa 85 sano, Muddadaa dheer wuu Caafimaad qabay, qofna muusan dhibin, wuxuuna Geeriyooday isaga oo aan Xanuun iyo Dhibaato toona aanu ku rafaadin, Dadna uusan dhibin.
Wiilkaagu wuxuu ka badbaaday Shil Baabuur oo sababi lahaa in uu Dhinto, wuuna Caafimaaday isaga oo aan dhaawac weyn oo aan weligii ka harin ku dhicin, mana Curyaamin.
Waxey ku gabagabeysay Qoraalkii wuxuu ahaa sannad aynu ka soo Gudubnay dhibaatooyin badan oo aanu la kulanay, ilaahay ayaa Mahadaas iska leh, sidaasi darteed Allaah wuxuu inaga mudan yahay had iyo jeer inaan ku Shukrino Nimcooyinkiisa.
Waa walalkin Feisal Ahmed
Share gareeyaa inshallah
Comments
Post a Comment