weraar kadacay mogdisho

QISO GABAAN OO CAJIIB AHH





kororso aqoontadda su'aalo iyo jawaabo oo diini ah iyo Xadiis
Qiso Gaaban oo Cajiib ah oo Dhex Martay Nin Muslim ah iyo Nin Yahuud ah.
saturday, 03 May 2010 12:33
Qiso Cajiib ah: Maalin ayaa waxaa nin Yahuud ah ka lumay fargashi dahab ah, oo qaali ah. Waxaa helay nin Muslim ah, meel ayuuna dhigay. Kadib markuu ogaaday inuu nin Yahuud iska leeyahay faraantiga qaaliga ah ayuu ninkii soo doonay Yahudiidigii, siiyayna faraantigisii.
Ninkii Yahuudiga ahaa ayaa waydiiyay Muslimka inuu ogyahay qiimaha uu ku fadhiyo faraantiga. Haa ayuu ku jawaabay. Ninkii Yahuudiga ahaa ayaa Muslimka ku yiri, ‘balse faqiir ayaad tahay’, waan ogahay ayuu Muslimka ku jawaabay.
Yahuudkii ayaa hadana Muslimka ku yiri: “Ma ogtahay hadaad gadan lahayd faraantigan, inaad noloshaada ka bixi lahayd faqri?”
Haa ayuu ku jawaabay hadana.
Yahuudigii ayaa yiri hadana: “Maskaxdaada masoo gashay inaad gadato faraantigan maadaamo nin Yahuudi ah uu leeyahay”?
Maxaa keenay inaan saas u fikiro ayuu ku jawaabay Muslimkii.
Hadaba maxaa kugu keenay inaad faraantigan ii keento aniga oonan ogayn inaad adiga haysid, ayuu Yahuudigii waydiiyay ninkii Muslimka ahaa.
Muslimkii ayaa ku jawaabay:
“Maalin Qiyaama ah inay jirto ayaan aaminsanahay.
Maalinta Qiyaamo nabigayga oo Muxammad ah (NNKH) iyo nabigaada Musa (CS) ayaa is garab fariisan doono. Waxaad u dan sheegan doontaa nabigaada adiga oo ku calaacalayo inuu nin Ummatu Muxammad ah kaa xaday alaab. Nabigaada ayaa u dan sheegan doono nabigayga, nabigaygana markaas jawaab uma heli doono arintaas.
Sidaasi darteed ayaan kuugu keenay, si aan maalinta Qiyaamo u ilaaliyo xurmada Nabigayga (NNKH).
hadaba waxaan kaqaadaneynaa qisadaan arin muhiim ah gaar ahaan soomalideena tagtey qurbaha waalaalayaal waxaad ogaataa in aad tahey nafsaad ahaantaada caalaamad hadaad wanaagsanaato wanaajinaya una ifinaya gaalada diinta islaamka ee wanaagsan ogow adigoo xumaada ayaa sawab uu qof soo hanuuni rabe kusii fogaado unoqankaraa walaalka muslinka ahoo amaanda kudaadaal guud ahaan kula dhaqan sifa wanaagsan dadka aad lanooshaha sifooyinkii nabiga (s.c.w) ee lagu yaqaane waxaa kamid ahaa amaanada runta samadoonimada alaaha naga wada dhigo dhamaanteen kuwa alle


Waa walalkin feisal

Sii share gareeyaa Qeyrka

Comments