- Get link
- X
- Other Apps
Guusha iyo Hormarka Hayaanka
Casharada iyo xikmadaha dadnimada
wanaagsan
- Dhimashada ama geerida oo keliya
mooyee wax kastaa xal ayey leeyihiin.
Xal la'aan waa rag la'aan, rag
la'aanna waa waxba la'aan. Xaasid
nimada oo yaraata waa astaan
muujinaysa in aad guulo badan aad
gaartay. Dhammaanteen waxa aynu
nahay sida dayaxa, oo dhan madaw
iyo dhan cad leh. Nin aan dul
lahayn dad hoggaamin kuma
wanaagsana. Wax kasta oo aan loo
dhididin si fududna lagu helaa weey
qiimo beelaan. Haddaadan fashilmin
dadaal lama imanaysid. Inaad
fashilmato waa guul-daro ku meel
gaar ah oo kuu horseedi karta guulo
fara badan. Hoggaamiyaha
wanaagsan waa sida kaynta oo qof
kasta intuu galo ayuu wax ka soo
helaa - Hoggaamiyaha wanaagsan
waa sida xeero raashin ah oo dadka
oo dhami way ku soo ururaan
agtiisa. Hoggaamiyaha wanaagsan
waa sida geed weyn oo la harsado.
Ma dhici karayso iyo way adagtayhay
ha rumaysan maankaagana ka saar.
Konton sanno ka hor waxa ay
rumeysnaayeen kooxaha oradada ku
caan baxay insaanka hal mayl in
aannu ku jari karin in ka yar afar
daqiiqadood.Shakhsi kasta oo
arrintaa isku dayana qalbigaa
qarxidoona, haseyeeshee mid ka
mida orodyahannada ayaa dadka
weydiiyey oo ku yiri; 'Ma jiraan cid
isku dayday oo qalbiga qarxay,' waxa
loogu jawaabay, 'May,' dabadeed
waxa uu bilaabay tababar inuu
qaato,.- ugu dambeyntiina ku
guuleystay hal mayl inuu jaro in ka
yar afar daqiiqadood. Marka hore
been baa loo maleeyey iyo inuu
waalan yahay, laakiin markii la
ogaaday inay dhab tahay, isla
sannadkaa oo iminka konton sanno
laga joogo, waxa iyagana isku dayey
oo ku guuleystay hal mayl afar
daqiiqadood ka yar inay jaraan boqol
qof. Quusashada dib-u-dhac ayey ku
horseedaa ee ka faa'iidayso doonista
ilaahay kugu beeray, oo wax kasta
aad ku gaari karto. Waxaa jirta maah
maah caalami ah oo qaaliya
tiraahdana waad kartaa faraska,
inaad xoog ku gaysid webiga laakiin,
kuma qasbi karaysid biyaha inaad
xoog ku siisid ama aad ku qasabtid.
- Dadku in ay ku jeclaadan, maaha
mid xoog iyo hanti lagu heli karo.dadka
By feisal Ahmed
Walal was Kumaxadsante inaad so boqote website keena
Qisoyin badhaan naga filaa inshallah
Comments
Post a Comment